Wasiir loo magacaabay Wasaarad ku cusub Dowlada Federaalka {Aqri}

by Bahda Xiiso Online | Tuesday, Mar 21, 2017 | 423 views

R/wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta waxaa uu soo bandhigay Liiska Magacyada Golaha Wasiirada, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha Xukuumadiia ka mid noqonaya.

Waxaa ku jira Wasaaradaha la magacaabayo Wasiir loo dhiibay wasaarad ku cusub Dowlada Federaalka taas oo ah Wasaarada Gargaarka oo loo magacaabay Dr Maryan Qaasim Axmed waxaana ay horay usoo noqotay Wasiirka Arimaha bulshada.

Golaha wasiirada cusub ee uu magacaabay R/wasaare Kheyre ayaa dhawaan la filayaa in la horgeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka si ay codka kal soonida u siiyaan ama ugu diidaan.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.