Sawiro: Madaxweynaha oo war cusub ka soo saaray magacaabista Golaha Wasiirada..

by Bahda Xiiso Online | Tuesday, Mar 21, 2017 | 273 views

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya ee maanta lagu dhawaaqay.

Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, kuna soo dhoweeyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre iyo qaar ka mida wasiiradiisa cusub isagoo dardaaran iyo baaq jeediyay.

Madaxweyne Farmaajo yaa soo dhaweeyay magacaabista xukuumadda cusub, wuxuuna Baarlamaanka cusub ka codsaday in ay ansixiyaan si ay shaqada looga fadhiyo u guda galaan.

Wuxuu intaas ku daray inay dalka ku maamuli doonaan sida danta dadka iyo dalka ku jirto, si weyna u soo dhoweynayo wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

C7cG14gXQAE6YKo C7cGyzAXkAgn1dk Farmajo-wasiiro

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.