Ogow sababta Ra’iisal wasaare Kheyre uu Wasiirka Warfaafinta ugu magcaabay..

by Bahda Xiiso Online | Tuesday, Mar 21, 2017 | 401 views

Eng:  Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Eng. Yarisow waa aqoonyahan leh karti, hufnaan iyo waayo aragnimo buuxda. Waa shaqsi ku wanaagsan isku xirka bulshada iyo Dowladda, heystana shahaaddooyinka Master-ka, muddo 9 sano ahna ku sugnaa Muqdisho oo xilal kala duwan soo qabtay.

Xilalka uu muddadaasi soo qabtay Eng Yariisoow waxaa ka mid ah wasiirka Lacagta, Wasiirka Warfaafinta, La-Taliye Sare ee Dowladda iyo Afhayeenka Madaxweynaha.

Intii uu London joogeyna wuxuu ahaa Hoggaamiyeyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed, isagoo 10 sano Dowladda Hoose ee London Borough of Ealing ka soo noqday agaasin madax.

Eng. Yarisow waa shaqsi daacad ah, muwaadin dalkiisa jecel, marwalbana u taagan horumarka bulshada iyo dowladnimada Soomaaliya.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.