Maqal: Kooxo hubeysan oo weerar xoogan ku qaaday xarunta Gaashaandhiga & Qasaaraha ka dhashay..

by Bahda Xiiso Online | Tuesday, Mar 21, 2017 | 79 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar kooxo hubeysan ay ku soo qaadeen magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo ku taalo degmada Deynille ee Gobolka Banaadir.

Dadka kunool Agagaarka Wasaarada ayaa xalay maqlaayay Rasaas culus oo ka dhaceysay Agagaarka Wasaarada Gaanshaadiga Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Dayniile Axmednuur Cabdi Siyaad oo la hadlay Warbaahin ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay Weerar kusoo qaadeen Wasaarada laakiin ciidanka dowladda Soomaaliya ee ilaalada ka haaya Wasaarada ay iska caabiyeen.

Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa lagu sheegay Lix Qof sida dadka deegaanka ay ogaadeen.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.