Dagaal ay ku dhinteen 70-Qof oo ka socda Soomaali Galbeed Itoobiya & Oromo duulaan ku ah..

by Bahda Xiiso Online | Tuesday, Mar 21, 2017 | 274 views

Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ayaa Soomaalida Itoobiya iyo qowmiyada Oromada ku dhexmaraya deegaano katirsan dhulka Soomaali Galbeed Itoobiiya.

Dad ka badan 70 ruux ayaa lasoo sheegayaa iney dhinteen halka ilaa 40 kun dad ka badana ay ku barakaceen dagaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas uu ka dhashay sheegashada qowmiyadda Oromada ee deegaano katirsan dhilka Soomaalida, waxaana uu markii hore ka bilowday deegaanka Ligeyle

Qowmiyada Oromada ayaa sheegatay dhul aad ubaaxad weyn oo ay kamid tahay Godey iney leeyihiin, taas ayaana sababtay in dagaalka ay ka qeyb qaataan ciidamadii dowlada Itoobiya oo labada dhinac kasoo kala jeeda.

Mid kamid ah Wasiirada Soomaali Galbeed Itoobiya oo la wareeraya ayaa laga dilay afar ilaaladiisa ah halka isagana uu bad baaday.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa dhankooda weerar ku qaaday xaafado ay degan yihiin Oramada waxaana laso sheegayaa iney halkaas ku dileen ku dhawaad 50 qof.

Dhanka Soomaalida ilaa 25 ruux oo qaarkood gaadmo lagu dilay ayaa kaso gaartay dagaalkan oo maalmihii lasoo dhaafay soconayay.

Dowlada Itoobiya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dagaalkaas, waxaana ay umuuqataa iney isku fiirsaneyso labada dhinac.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.