Caqabadaha ku horgudban magacaabista Wasiirada & Qorshaha Dowladda Farmaajo..

by Bahda Xiiso Online | Tuesday, Mar 21, 2017 | 154 views

Wararka naga soo gaaraya Saaka Xafiiska RW Xasan Cali kheyre iyo madaxtooyada ayaa sheegaya in golaha wasiirada maanta lagu dhawaqi doono.

Magacaabidda golaha wasiirada ayaa baaqatay galinkii dambe ee shalay ee la filayay in uu ku dhawaaqo RW Xasan Cali Kheyre iyadoo dhowr mar saxaafada laga soo celiyay xafiiskiisa.

SABABTA LOO BAAJIYAY Magacaabidda

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Wakaaladda Wararka Warqaad.com ayaa sheegaya in liiska golaha wasiirada ay ahaayeen kuwa diyaarsan lana filayay in lagu dhawaaqo.

Laakiin daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dhashay khilaaf xoogan oo ku aadan qaar kamid ah xubnaha wasiirada ee liiska ku jira, kuwaas oo markii beelihii ay matalayeen loo sheegay si weyn uga biyo diiday.

Waxaa sidoo kale laga biyo diiday xubno horey uga mid ahaa xukumadii dowladii hore in lagu soo daro liiska Golaha Wasiirada.

DOORKA MADAXWEYNE FARMAAJO

Madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inuu doorweyn ka ciyaaray baajinta ku dhawaaqida golaha wasiirada maadaama cabashada ugu badan ay isaga xafiiskiisa kusoo dhaceysay.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uusan diyaar u aheyn  in la magacaabo wasiiro lagu dhegan yahay.

Beelaha Wasiiradoodu muranku ka taagan yahay

Ilaa shan  beel ayaa lasoo sheegayaa iney ku gacan seyreen liiska golaha wasiirada ee diyaarsan taas oo sababtay in dib loo dhigo magacaabidooda.

Beelaha saluugsan qaabka xulista waxaa kamid ah Beesha Gaaljecel oo haweeney ku yeelatay liiska, Beesha Abgaal oo xil aysan ku qancin ka heshay Wasiirada iyo Beesha Xawaadle oo diidan in Safiirkii Turkey Sanbaloolshe uu kusoo baxo liiska xukumada cusub.

Wasiirada Liiska ku jira ee xilalka qaban doona

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Yuusuf Garaad uu noqon doono Wasiirka arimaha dibadda, halka Nin magaciisa lagu soo gaabiyay Ducaale oo kasoo jeeda Hiirshabeelle gaar ahaan beesha Abgaal uu noqon doono Wasiir heerkiisu yahay B iyo Ra;isul wasaare ku xigeen, beesha Abgaal ayaa sidoo kale fileysa iney hesho wasiir kale iyadoo xafiiska ra’isul wasaaraha si weyn looga hadal hayo C.Raxmaan Yariisow oo marar badan xil kasoo qabtay dowlada.

Gudoomiyihii gudiga doorashada Soomaaliya Dr Bayle oo kasoo jeeda Somaliland ayaa la filayaa inuu noqdo Wasiirka maaliyadda, halka Cabdi Faarax Juxa loo wado wasiirka arimaha gudaha.

Drs Maryan Qaasim, Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi, Khadiija Maxamed Diiriye, Sanbaloolshe iyo magacyo kale oo ay Soomaalidu taqaan ayaa la filayaa in wasiirada lagu arki doono.

Sedex Haween ah ayaa la filayaa in Wasiirada lagu dhex arki doono, halka ilaa sedex Ra;isul wasaare ku xigeen la magacaabi doono.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.