AKHRISO: Magacyada Siyaasiyiin ah oo si xeeladeysan loogu qiyaamay magacaabista Wasiirada..

by Bahda Xiiso Online | Tuesday, Mar 21, 2017 | 406 views

Xubno siyaasiyiin caan ah oo ku sugnaa madasha maanta looga dhawaaqayay Golaha Wasiirada ayaa ku hungoobay hankoodii siyaasadeed ee ay ka lahaayeen Xukuumada cusub.

Siyaasiyiitaan oo xil doon ah filayayna iney iska dhex arkaan Liiska Wasiirada maanta lagu dhawaaqay ayaa sheegay iney ku gacan seereen,islamarkaana uu qiyaamay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo horay talada soo xulista Wasiirada gacanta ugu geliyay Horjoogayaasha Beelaha ayaa suurta gal noqon weysay iney iska soo dhex xulaan Xubnaha Wasiirada iyo Ku-xigeenadooda,taasi badalkeedana isaga uu u maray xal daahsoon oo lagu soo xulayo xubnaha Wasiirada.

Siyaasiyiinta iska dhex arki waayay Wasiirada ee hamiga lahaa waxaa ka mid ah Wasiirkii madaxtooyada Dowladdii Xasan Sheikh Mahad Salaad,Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre iyo Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadii Cumar C/rashiid Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo dhamaantooda laga saaray Liiska Golaha Wasiirada.

Wasiirada maanta lagu dhawaaqay ayaa waxaa ka muuqda Xubno siyaasiyiin cusub,balse jagooyin kale soo qabtay.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kula dardaarmay Wasiirada cusub iney howshooda siday tahay uga soo baxaan.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.