XOG: Ra’iisal wasaare Kheyre oo Xeelad cusub ku qanciyay madaxda maamul Goboleedyada & Wasiirada ay..

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 190 views

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caqabado badan kala kulmay madaxda maamul Goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya.

Maamul Goboleedyada caqabadaha ugu badan uu kala kulmay Ra’iisal wasaare Kheyre waxaa ka mid ah Puntland iyo Jubba Land oo damacsan iney helaan Wasaaradaha ugu waa weyn Xukuumada cusub.

Wasaarada Maaliyadda ayaa ah wasaarad ay si weyn isugu haystaan labadaas maamul, halka sidoo kale la ogaanayo in Ra;isul wasare Xasan Cali Kheyre uu wasaarado kale siiyay labadaas maamul.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Puntland ay heli doonto wasiiro ay kamid yihiin Cadaalada iyo Waxbarashada, halka Jubbaland loo qorsheeyay wasaaradaha kala ah Warfaafinta iyo Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada.

gaas-madoobe-640x473-1

Sidookale,Maamulka Galmudug ayaa la filayaa in Wasiirka arimaha gudaha ka hesho Xukuumada cusub galka maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyagana loolankooda uusan yareyn.

Heerka magacaabista Golaha Wasiirada ayaa hadda meel gabo gabo ah maraya,waxaana suur gal ah in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo.

 

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.