Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo gaaray xafiiska madaxweyne Farmaajo & shir Xasaasi ah oo socda..

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 196 views

War aan ka helay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre goordhow uu gaaray Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/llahi Farmaajo

Ujeedka Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay iney tahay sidii madaxweynaha ugala tashan lahaa Liiska Wasiirada uu ku dhawaaqayo saacadaha soo socda.

Ilo ku dhow Ra’iisal wasaaraha oo magacyadooda diiday inaan adeegsano ayaa inoo sheegay in saacadaha soo socda lagu dhawaaqayo Golaha wasiirada oo la soo dhameystiray.

Muranadii ka taagnaa Golaha Wasiirada iyo sida loo qeybsaday ayaa la soo afjaray,waxaana xalay ilaa iyo saakay kulumo ka socdaan xarunta Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dadaal ku bixiyay sidii ay u qancin lahaayeen Beelaha iyo shaqsiyaadka cabashada ka keenay hanaanka soo xulista Wasiirada cusub.

Wariyaasha ayaa loogu baaqay iney heegan galaan macquulna ay tahay in looo yeero Xilliyada Duhurkii,sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah.

Marar badan ayaa dib u dhacyo ku yimid magacaabisa Golaha Wasiirada taasi oo sabab u ahayd Beelaha qaar oo wax tabanayay.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.