Ogow Waqtiga rasmiga ee lagu dhawaaqayo Golaha Wasiirada & Wariyaasha oo heegan loogu baaqay..

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 156 views

War aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu damacsan yahay in saacadaha ugu dhow ku dhawaaqo Xubnaha Golaha Wasiirada oo Liiskooda gacanta uu ku hayo.

Ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in saacadaha soo socda waliba xilliga Duhurka lagu wado in la shaaciyo Golaha Wasiirada,waxaana Wariyaasha lagu wargeliyay iney heegan galaan diyaarna noqdaan waqti kasta oo loo yeero.

Lama oga shaqsiyaadka ka soo muuqan kara Xubnaha Golaha Wasiirada,balse wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in suurta gal ay tahay in Wejiyo cusub ay ku badan yihiin kuwii horena qaarkood laga yaabo iney ku jiraan.

Waxaa jira is af-fahan laga gaaray inta badan muranadii hareeyay magacaabista Golaha Wasiirada oo ka dhaxeeyay Beelaha qaar.

Wixii ku soo kordha la soco.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.