Maxaadan Ogeyn oo ka cusub magacaabista Golaha Wasiirada & Mashquul laga dareemayo Villa Somalia?

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 270 views

War goordhow naga soo gaaray xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegaya iney socoto qaban qaabadii ugu danbeysay ee lagu shaacinayo Xubnaha Golaha Wasiirada.

Sida wararka aan ku heleyno xubnaha Golaha Wasiirada ayaa ka kooban 25-Wasiir iyo Ra’iisal wasaare ku-xigeen,waxaana Shacabka Soomaaliyeed u dhegtaagayaan madaxtooyada iyo waxa ka soo bixi kara.

Wariyaasha ayaa heegan ku jira,waxayna kaliya sugayaan u yeerid.

Ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa inoo sheegay in saacadaha soo socda macquul tahay in la shaaciyo magacyada xubnaha Golaha Wasiirada.

Baraha Bulshada ayaa si aad ah looga hadal hayaa Xubnaha ka mid noqon kara Golaha Wasiirada iyadoo qaarkood loo sii hambalyeyay lana ogaaday iney ka mid yihiin xubnaha Wasiirada ee la soo wado.

Marar badan ayaa dib u dhacyo ku yimid shaacinta Golaha Wasiirada.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.