Maqal: Shabaab oo fagaaro ku toogtay Oday 82 Sano jir oo lagu eedeeyay soo xulis Baarlamaan..

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 280 views

Maxkamad ay leeyihiin Ururka Al-shabaab oo ku taalo  degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xukun dil ah ku ridday mid kamida odayaashii dhaqanka ee soo xulay qaar katirsan xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka.

Fagaare kuyaal Awdheegle ayaa maanta gelinkii dambe lagu toogtay Cusmaan Diini Cali oo 82 sana jir ahaa islamarkaana kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee xildhibaanada kasoo xulay dhanka maamulka ‘Koofur Galbeed’ ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo,sida ay shabaab ku eedeeyeen

Qaadiga Maxkamadda  oo xukunka akhrinayay ayaa sheegay in Cusmaan Diini Cali uu soo xulay Xildhibaano ay kamid tahay haweenay magaceeda lagusoo gaabiyay Muno oo kamid ah baarlamaanka DF-ka islamarkaana uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu kamid ahaa odayaashii Maamulka Shariif Sakiin ee Baydhabo kusoo xulay xildhibaanada.

Dagaalyahana Al Shabaab ayaa horay magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ugu dilay qaar kamid ah odayaashii xildhibaanada soo xulay balse Cusmaan Cali Diini ayaa nolosha lagusoo qabtay isagoo ku sugan degmada Afgooye kadibna goob fagaara ah ayaa lagu toogtay.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.