Maqal: Oday dhaqameed Gurigiisa loogu galay & waxa kala qabsaday isaga iyo shabaab..

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 316 views

Xalay waxaa tiro Madaafiic ah laga maqlay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabelle madaafiicdaas oo sida la sheegay bartilmaameedkooda lala rabay Madaxweyne Ku xigeenka Hir-Shabelle.

Wasiir ku Xigeenka Amniga Hir-shabeelle Cali Xuseen Maxamed ayaa sheegay in tiro Hoobiyayaal ahaa Habeenkii xalay ahaa ay ku dhaceen Gudaha Magaalada islamarkaana laga soo tuuray dhanka Suuqa Xoolaha ee Magaaladaas.

Waxa uu sheegay in Hoobiyayaasha aysan geysan wax qasaaro islamarkaana Ciidamada amaanka magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle ay durbadiiba ay ku baxeyn kooxihii weerarkaas ka dambeeyay islarmarkaana ay dagaal kooban ay la galeen.

Wasiirka ma uusan sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkaa ay wada galeen ciidamada amnaaka iyo kooxihii hoobiyaasha ku soo riday magaalada jowhar ee xarunta Maamulka Hir-shabelle.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.