Maqal: Maxaa ka jira Khilaafka ka dhaxeeya Xildhibaanada Galmudug?

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 72 views

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax khilaaf ah iminka uusan ka dhaxeyn Xildhibaanada maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay Mr Carabey in hadda ay diyaarinayaan sidii madaxweyne rasmi ah maamulka u yeelan lahaa maadama madaxweynihii hore uu is casilay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhici doono.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.