Maqal: Galmudug oo dhegaha ka fureysatay dalab kaga Yimid RW Kheyre & Waqtiga ay dhaceyso..

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 75 views

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug ayaa kasoo horjeystay hadalkii kasoo yeeray Raisulwasaaraaha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre ee ku aadanaa in muddo 45-cisho ah dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ah afhayeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin go’aankii kasoo baxay Raisulwasaaraha Soomaliya ee ku aadan in muddo dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Afhayeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug ayaa tilmaamay in aan loo dulqaadan Karin in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Cusub ee Galmudug, islamarkaana xaaladda haatan ay ku sugan Tahay Galmudug aysan u suurta galin karin in laga baaqsado doorshada.

“Baahi jirto aan araknay kadib wadatashi aan la sameenay Xildhibaanada Galmudug , iyo kuwa Qaranka waxaan go’aansanay in aan dib loo dhigin doorashada Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug, waan maqalnay codsiga ka yimid Raisulwasaaraha Soomaliya ee ku aadan in muddo 45-cisho dib loo dhigo doorashada, runtii lama aqbali karo arintaas, waxaan leenahay Raisulwasaare ka laabo go’aankaas”, ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Afhayeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in xiriiro ay la sameyn doonaan Raisulwasaaraaha Soomaliya Xasan Cali kheyre si ay kaga dhaadhiciyaan in aan dib loo dhigin doorashada.

25-ka bishaan ayuu sheegay in lasoo gaba-gabeyn doono araaji qabashada Musharixiiinta, islamarkaana 28-ka bishan ay dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug oo ay u taagan yihiin siyaasiyiin badan.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.