Madaxweyne Farmaajo oo xilkii ka xayuubiyay agaasimihii madaxtooyada mid cusubna u magacaabay..

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 233 views

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya Shadoor Xaaji oo Maxamuud oo saaxib dhow la ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Shadoor Xaaji ayaa lagu badalay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah, kana mid ahaa raggii qeybta weyn ka qaatay ololihiisa dhinaca warbaahinta iyo mida baraha bulshada.

Shador xaaji oo ah nin dhalinyaro oo fir fircoon ayaa lagu wadaa in xil kalr loo bedelo oo ka mid ah Hey’adaha dowladda, maadaama sharciga shaqaalaha rayidka dowladda uu dhigayo qofka marka xil laga qaado ama Waax laga bedelo loo wareejiyo waax kale.

Sidoo kale is bedel ayaa lagu sameeyay qeybta Warfaafinta Madaxtooyada, kaddib markii uu ka shakiyay Madaxweyne Farmaajo xubnihii ka shaqeynayay qeybtan muhiimka u ah.

Xilka ka qaadistaan ayaa timid iyadoo saacadaha soo socdo lagu wado in lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.