Feysal:-Dadka Uma jeedaan Miyaa Saldhiga Turky-ga Muqdisho, Marka ay Ka Hadlayaan Kan Berbera”,

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 161 views

Gudoomiyaha Xibsiga UCID ee Maamulka Somali-land Injineer Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay ayaa kasoo hojeystay dadka dhaliishan heshiiska Maamulka Somali-land iyo Dowladda Isutaga imaaraadka carabta ee Saldhiga Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.

Feysal Cali Waraabe oo kamid ah Saxiixayaasha Heshiiska dowladda Imaaraadka ay kula wareegayso muddo 25-sano ah Saldhiga malatari ee Magaalda Berbera ee Gobolka Saaxil ayaa isweydiiyay dadka waxa ay su’aal ugu keynayaan Saldhiga Magaalada Berbera ayna ugu hadleenin Saldhiga Dowladda Turky-ga ka hiragalinayso Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

“Heshiiska ay kala saxiixdeen Imaaraadka carabta iyo Xukuumadda Soomali-land waxa uu niyad jab weyn ku yahay kuwa kasoo horjeeda Hormarka Somali-land, waxaan la yaabay qof walba Saldhiga Berbera ayuu ka hadlayaa, miyaysan dadka arkaynin Saldhiga aadka u weyne ee Turky-ga ka dhisanayo Magaalada muqdisho”, ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Maamulka Somali-land iyo Dowladda Isutaga imaaraadka carabta ayaa habeenkii xalay ahaa kala saxiixday heshiiska dowladda Imaaraadka ay kula wareegaysa Saldhiga malatari ee Magaalda Berbera ee Gobolka Saaxil.

Heshiiska ayaa ka koobnaa 7-qodob waxaa dowladda Imaaraadkaa Caranta u saxiixay Mas’uuliyiinta ka Tirsan dalkaas, halka Somali-land uu u saxiixay wasiirka arrimaha Dibada Maamulkaad Dr Sacad cali Shire, wuxuuna heshiiska dhigayaa in 25-sano ay Saldhiga Malatari ay Dowladda UEA ku lahaato Berbera.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.