Arrintii xiriirka Trump iyo Ruushka oo laga daba tegay iyo natiijada oo uu ku farxay Trump

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 204 views

Madaxa guddiga Congresska Maraykanka u qaabilsan sirdoonka ayaa sheegay in aanu hayn caddeyn muujineysa in ay wada shaqeyn dhexmartay Ruushka iyo ololihii doorashada madaxweyne Trump ee sanadkii tegay.

Devin Nunes, oo waraysi siiyay telefishinka Fox News ayaa sheegay in sidoo kale aanay jirin caddeyn muujineysa in madaxweynihii hore ee Barack Obama uu amray in si qarsoodi ah loo dhagaysto dabaqa Trump Tower.

Mr. Nunes ayaa hadalkan sheegay ayadoo maalinta beri ah uu agaasimaha FBI, James Comey, hortagi doono guddigaasi, si uu uga jawaabo su’aallo ku aaddan in Ruushka uu farageliyay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore.

Masuulkan ayaa dhanka kale sheegay in uu ka walaacsan yahay eedeymaha ah in sirta qaranka Maraykanka loo dusiyo warbaahinta, asagoo sheegay in arrintaasi ay tahay dembi baaritaan u baahan.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.