Aabe dilay Carruurtiisa oo mataano ah oo lagu xiray magaalada London & baaritaan ku socdo..

by Bahda Xiiso Online | Monday, Mar 20, 2017 | 306 views

Nin looga shakisan yahay in uu dilay wiil yar iskuna dayay in uu dilo gabar yar oo kale ayaa la xiray.

Labada ilmoodba waxay jireen min hal sano.

Bidhya Sagar Das oo 33 jir ah ayaa loo malaynayaa in uu yahay carruurta aabahood, waxaana loo raadinayay dhacdo ka dhacday guri ku yaalla Finsbury Park, oo waqooyiga London ah.

Labada ilmood ayaa loo malaynayaa in ay mataano yihiin, habeenimadii Sabtida ayaana la helay iyaga oo dhaawac halis ah qaba.

Wiilka ayaa geeriyooday saacadihii hore ee Axaddii gabadhiina isbitaal ayaa lagu dabiibayaa iyadoo ay xaaladeeda caafimaad liidato.

Saraakiishu waxay sheegeen in qof shacab ah uu ka soo wacay Wilberforce Road, ka dib markii uu qoys dhib ka dhexdhacay.

Mid ka mid ah carruurta ayaa loola cararay Isbitaalka Royal London Hospital isaga oo diyaarad gurmadka caafimaadka ka shaqaysa lagu sii qaaday, midka kalana gawaarida gurmadka degdega ah ayaa sii qaaday.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.