XOG: RW Xasan Kheyre oo Waji cusub lasoo baxay Albaabadana ka xirtay siyaasiyiin ka socday Xafiisak Farmaajo & Jawaari.

by Bahda Xiiso Online | Sunday, Mar 19, 2017 | 276 views

RW Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal ugu jira inuu soo magacaabo golaha wasiirada cusub todobaadkan, laakiin waxaa uu doonayaa inuu ka madax banaanaado xafiisyada kale ee dowlada kuwaas oo siyaasiyiin la raadinaya xilal wasiiro ah.

Qaar kamid ah xildhibaanada DF Soomaaliya ayaa sheegay in gudoonka barlamaanka uu ku mashquulsan yahay inuu wax kasoo xulo wasiirada cusub, halka xafiiska madaxweynaha ay yaalaan codsiyo badan oo wasiiro lagu doonayo.

Hadaba Warar ay heshay warbaahinta ayaa xaqiijinaya in RW Xasan Cali Kheyre uu albaabada ka xirtay siyaasiyiin badan kuwaas oo taageero ka haysta madaxweynaha DF iyo Gudoonka barlamaanka.

Xasan Cali KHEYRE ayaa usheegaya siyaasiyiintaas in liiska golihiisa wasiirada ay diyaarsan yihiin isla markaana uusan qaban doonin codsiyo cusub.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in ku dhawaad 170 codsi loo celiyay dadkii soo dalbaday iyadoo loo sheegay ineysan ka mid noqon karin wasiirada cusub.

Talaabadan oo la sheegay inuu wax ka ogyahay madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa timid kadib markii ku dhawaad labo mar ay baaqatay qorshe lagu magacaabi lahaa wasiirada cusub.

Arbacada soo socota ayaa la filayaa inuu RW Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqo Wasiirada cusub ee Soomaaliya oo la filayo in tira ahaan ay gaari doonaan wax ka badan 25 waxaana la filayaa in wasaarado cusub lagu soo daro liiska.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.