Urur Goboleedka IGAD oo ka deyriyay Xaalada Abaareed ee ka jirta Gayiga Somalia..

by Bahda Xiiso Online | Sunday, Mar 19, 2017 | 42 views

Wasiiradda Arrimaha Dibada Dalalka Xubnaha ka ah Urur Gobaleedka Bariga Africa ee IGAD oo kulan ku Yeeshay Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya ayaa ka wada hadlay Xalaadda Abaarta ee ka jirta Geeska Africa iyo qaabka ay ula tacaalayaan Wadamo ay sida Xoogan Abaartu ugu dhifatay.

Kulanka Wasiirada ayaa lagu Sheegay in in ka badan 20 million oo Qof ay la soo daristay Cunto la’aan iyo Macluul waxaa ayna walaac ka muujiyeen halis ka dhalatay xaalada abaarta ee ay wajahayaan Bulshada Dalka geeska Africa.

Wasiirada Urur Gobaleedka IGAD ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in la dadadejiyo taageero Bini-aadantinimo iyo Lacago dheeraad ah oo la siiyo wadamada Xiligaa walwalka badan laga qabo uu ka mid yahay dalka Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ay sida Xoogan ay Abaarto usaamaysay .

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo dalkiisu uu mari galiyey Shirka Wasiirada Dalal ku midaysan Urur Gobaleedka IGAD ayaa Sheegay Xaalada Abaarta ee ka jirta Dalal dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya ay marayso heerkii ugu Xumaa dalka Kenaya ayuu sheegay 3 million oo ka mid ah Bulshada dalkaasi wajahayaan Gaajo iyo Caafimaadaro halka dalka Soomaaliya uu Xusay in bushada ku nool kala bar ay saameyntu gaartay.

Madaxweyne Uhuru ayaa ku baaqay in la sameeyo Gurmad heer Caalimi ah si loo badbaadiyo Malaayiinta Qof ee qarka u saran inay u Geeriyoodaan Macaluusha oo ka mid ah Cawaaqib Xumada ka ay Sababta Abaarta.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.