Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Hanjabaad Kala Kulmay Xildhibaanno Caan Ah + (Magacyada)..

by Bahda Xiiso Online | Sunday, Mar 19, 2017 | 248 views

Xildhibaanno badan oo qaarkood saaxiib dhow la ahaa madaxweyne Hore Xasan Sheekh Maxamuud, qaarkoodna mucaarad ku ahaa ayaa hadda waxay bilaabeen in waddo walbo oo ay wasiir ku helayaan iney u maraan.

Qaar kamid ah xildhibaannada oo laga xusay Goodax Barre, iyo Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu goodiyey Ra’iisul wasaaraha haddii aaney xilal helin in mooshin ay ka keeni doonaan.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in iyagu ay xaq u leeyihiin in xilala loo dhiibo, waa haddii xildhibaannada ay kamid noqonayaan golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre oo diyaarsaday wasiiradiisa ayaa xildhibaannada lasoo hadlay u sheegay in wixii uu sameyn lahaa sameeyey, islamarkaana aanu hadda u istaagi doonin hanjabaad ama wax lamid ah.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.