Maxaa ka soo kordhay dhismaha Golaha Wasiirada iyo is mari waagii ka taagnaa ?

by Bahda Xiiso Online | Sunday, Mar 19, 2017 | 167 views

Wada tashiyadii laga lahaa dhismaha Golaha Wasiirada ayaa soo afjarmay sida ay sheegayan wararka laga helayo Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la soo sheegaya in saacadaha soo socda laga yaabo caawa saqda dhexe ama maalinta beri midkooda lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Xasan Kheyre ugu dambeyn isku raaceen liis meel dhaxaad ah oo sida la sheegay la isu tanaasulay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in la isku afgartay in meesha laga saaro shaqsiyaadka ay kala wateen madaxda, isla markaana kuwo kale oo ku heyb ah lagu bedelo.

Waxyaabaha la isku haayay oo ay ka mid ahayd in Golaha Wasiirada laga dhigo wejiyo ku cusub siyaasadda iyo in xubno horay xilal horay u soo qbatay lagu soo daro ayaa hada meel dhexaad la isugu yimid.

Muranka ugu badan ee ka jiray dhismaha Golaha Wasiirada ayaa ahaa qaabka awood qeybsiga iyo cida loo magacaabayo Xilalka Wasaaradaha Muhiimka

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in saacadaha soo socda caawa saqda dhexe, illaa berri iyo habeen dambe ayaa lagu wadaa in la shaaciyo liiska Golaha Wasiirada.

22 ka bishan ayaa lagu wadaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu u socdaalo dalka Kenya, inkastoo haatan ay taagan tahay xiisad ka dhalatay booqasho aan dowladda Soomaaliya ka war haynin oo Madaxweynaha Kenya ku tagay Magaalada Dhoobley, sidaas darteed safarkaas ka hor ayaa la qorsheeyay in Golaha Wasiirada lagu dhawaaqo.

Golaha Wasiirada ee uu magacabayo Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa waxay noqon doonaan tijaabadiisa siyaasadeed ugu horeeyay  iyo inuu la imaan karo gole wasiiro oo ka gudba marxalada haatan dalka ka taagan.

Waxyaabaha isha lagu haaya ayaa waxay tahay cida loo dhiibaya Wasaaradda arrimaha dibadda, qofka xilkaas qabta ayaa looga baahan yahay inuu dhiso xiriir wanaagsan oo dhex mara wadamada Gobolka iyo Dowladda Farmaajo oo aan xiriirkooda wanaagsanayn.

Muddo 11 cisho ayaa ka harsan mudada uu dastuurka u siinayo Ra’iisul Wasaaraha inuu ku soo magacaabo Xukuumaddiisa, oo ah 30 cisho, waxaana la dhowrayaa in Baarlamaanka uu ku horkeeno 30-ka bishan

Xigasho Jowhar.com

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.