Madaxweyne Farmaajo oo joojiyay socdaal uu ku tagi lahaa Kenya ka dib safarkii Uhuru ee Somalia..

by Bahda Xiiso Online | Sunday, Mar 19, 2017 | 383 views

Iyadoo maalinimadii shalay aheyd booqasho lama filaan ah uu ku tagay degmo dhoobley ee Gobalka Jubbada hoose madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ilo diploomaasiyiin ah oo lagu kalsoonaan karo waxa ay sheegayaan in dowlada federalka soomaaliya booqashada uhuru Kenyatta in ay aad kaga xumaatay waxaana sidoo kale la sheegay in dowlada soomaaliya safarka madaxweynaha Kenya uu ku booqday xerooyin ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM in uu ahaa mid aysan ka warqabin taa oo sharci darro ay ku tilmaamtay dowlada cusub ee Soomaaliya.

Waxaana dhanka kale la soo warinayaa in booqasho madaxweynaha soomaaliya Mohed Abdullahi Farmajo uu ku tagi lahaa dalka Kenya in ay u baaqan karto booqashada kediska ee aan lagu wergelin dowlada Federalka Soomaaliya uu Uhuru ku tagay degmada Dhoobley.

Arinkaan ugubka ah ayaa sidoo kale la sheegay in xeriirka diploomaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo soomaaliya in uu ku noqon karo caqabad.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.