Madaxweyne Erdogan oo Muqdisho kusoo fool leh iyo saldhigii ugu weynaa ee uu dhisay oo….

by Bahda Xiiso Online | Sunday, Mar 19, 2017 | 256 views

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan aya la filayaa inuu mar kale socdaal ku yimaado magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo safaaradda Turkiga ee Muqdisho, safarka madaxweynaha Turkiga ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha soo socoto ee April, iyadoo imaanshahiisa ay salka ku hays labo arin.

Arinta koowaad oo ah inuu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan xariga ka jaro dhismaha saldhiga milateri ee Turkiga ka dhisay Muqdisho, kaasoo noqon doona mid lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.

Tan labaad oo ah inuu sidii looga bartay kal hore uu beisha caalamka kusoo jeediyo Somalia oo xiligaan abaar ba’an ay ka jirto iyo macluul.

Booqashada Madaxweynaha Turkiga ee Muqisho ayaa lagu wadaa inuu dhaco isha April ee soo socota, iyadoo uu xariga ka jari doono saldhigga milateri ee  Turkiga ka dhisay Muqdisho, kaasoo lagu tababarri doono ciidamada Soomaalida.

Socdaalka Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa ku wehlin doona wasiiro ka tirsan xukuumadda Ankara, taliyaha guud ee ciidamada Turkiga Gen. Hulusi Aka oo kala qeyb qaadan doona furitaanka saldhiga milateri iyo ganacsato.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.