Madaxda Dowladda oo Lagu Dhaliilay Inay Soo Magaacaabi La’yihiin Gollaha Wasiiradda..

by Bahda Xiiso Online | Sunday, Mar 19, 2017 | 88 views

Maamulka Puntland ayaa ku dhaliilay madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre inay soo magaacaabi la’yihiin Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dib u dhacyo ay ku yimaaadeen waqtigii loogu talagalay Magacaabista Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay inaan loo baahnayn inay dowladda Federalka Soomaliya iyadu isku mashquusho, halkii laga sugayay inay horey kasoo dhisaan xukuumad loo dhan yahay oo tayo leh.

Waxa uu sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey sheegay sida haatan wax ku socdaan inay u egtahay qaabkii madasha qaran lagu yaqaanay oo ahayd mashquul iyo shirar joogto ah oo aan wax natiijo ahi oo weyn kasoo bixin.

Dhowr jeer ooh ore waxaa dib loo dhigay Magacaabista Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaliya ee laga sugayo Raisulwasaare kheyre iyadoo ciladaha jira lagu sheegay in Wasiirada qaar la isku haysto.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.