Hal Million Oo Dollar Oo Saacado Kooban Loogu Ururiyey Dadka Ku Macluulsan Somalia.

by Bahda Xiiso Online | Sunday, Mar 19, 2017 | 335 views

Shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin JilaaBen StillerColin Kaepernick oo ka tirsan Naadiga K/Cagta Qaranka Maraykanka ee NFL,   iyo Xiddigaha Warbaahinta Bulshadda oo ay ku jiraanCasey Neistat oo ka tirsan Telefishinka CNN, Jérôme Jero oo caan ku ah Warbaahinta Snapchat ayaa taageero ka geystay in 1 million oo Dollar lagu ururiyo muddo 19-saacadood, si loogu gargaaro dadka ku macluulsan Somalia.

“Tani waa Qisadda waxa dhici kara marka Awoodda Warbaahinta Bulshadda loogu adeegsado in lagu maalgeliyo wax wanaagsan” ayuu yiri Casey Neistat oo ka tirsan Telefishinka CNN, oo sharxay Farriin Video oo la soo dhigay YouTube

Waxa uu sheegay inay arrinta bilaabantay, markii uu Muwaadinka Faransiiska ee Jérôme Jarre ee caanka ku ah Warbaahinta Bulshadda ee Snapchat uu Farriin cod ah soo dhigay Twitterka oo uu kaga codsaday Shirkadda Diyaaradaha Turkish inay mid ka mid ah Duullimaadyadeeda ka buuxiso Cunto iyo qalab kale oo Samafal si loo gaarsiiyo dadka ku macluulsan gudaha dalka Somalia.

Farriintaasi waxay noqotay mid ku dhex wareegta Warbaahinta Bulshadda iyadoo ay hor boodayaan Xiddigaha Warbaahinta Bulshadda ee Casey Neistat iyo Juanpa Zurita iyo kuwo kale.

Qeylo-dhaantaasi Gurmad-ururinta ee Ciiddanka Jacaylka ee Somalia “The Love Army for Somalia” ayaa si xawli ah ku socota, iyadoo Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ka jawaabeen Codsigaasi, waxayna ballan qaadeen Hal Duullimaad oo Xamuul ah qaadi kara 60 tons oo cunto ah o ola gaarsiinayo dadka ku macluulsan gudaha Somalia.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.