Afrikaan helay dheemankii labaad ee dunida ugu weynaa iyo madaxweynaha dalkiisa oo uu ku “saddaqeystay”

by Bahda Xiiso Online | Sunday, Mar 19, 2017 | 487 views

Wadaad baadari ah oo kasoo jeeda tuulada Yakadu ee dalkaasi Sierra Leone islamarkaana lagu magacaabo Emmanuel Momoh ayaa helay dhagax dheeman ah oo culeyskiisa lagu qiyaasay 706-karat, waana kii labaad ee ugu weynaa ee dalkaasi laga helo.

Sannadkii 1972 ayaa dalkaasi laga helay dheemankii ugu weynaa dalkaasi kaas oo culeyskiisa lagu sheegay 968.9-karat, waxaana lagu iibiyay lacag dhan 2,5 milyan oo dollar.

Mr. Emmanuel Momoh ayaa dheemankaasi ku wareejiyay madaxweynaha dalkiisa Senegal Ernest Bai Koroma, wuxuuna u hibeeyay dalkiisa si horumar loogu gaarsiiyo.

Dalka Sierra Leone oo uu ku badan yahay dheemanka ayaa qaxar badan ka dhaxlay waxaa dagaal socday muddo 11 sano ah oo ka dhashay dheemanka uu soo idlaaday sannadkii 2002-dii.

Madaxweynaha dalkaasii oo ka hadlay sadaqada muwaadinkan ayaa sheegay in lagu iibin doono qiimo sare si loogu kaashado horumarka dalka la gaarsiinayo, waxaana uu ugu baaqay shacabka intiisa kale in ay raacaan dhabbaha Emmanuel oo kale.

Ma cadda qaabka uu u helay wadaadkan dheemanka sidaa u weyn.

Afrikaan helay dheemankii dunida ugu weynaa kii ku xigay iyo madaxweynaha dalkiisa oo uu ku saddaqeystay

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.