Xoghayaha arrimaha dibada Britain oo wax ka xamaalaya kaalmadii uu Muqdisho ka dejiyay

by Bahda Xiiso Online | Friday, Mar 17, 2017 | 223 views

Xoghayaha arrimaha dibada Britain Boris Johnson oo maalintii arbacada safar ku tegay magaalada Muqdisho ayaa wax ka daldalay kaalmo sitay diyaaraddii uu la socday oo dowladdiisa ugu talagalay in la gaarsiiyo dadka abaaraha aafeeyeen.

Boris Johnson ayaa wax ka daldalay kaalmadaasi oo aheyd mid waxtar wayn u leh dadka abaaraha ku dhufteen, waxayna ka koobneyd deeqdaasi daawo iyo cuntada nafada leh ee baceysan.

Kaalmadaan ayaa sidoo kale lagu daabulay diyaaraddaha UN si ay u gaarsiiyaan gobolada abaaraha ugu daran ay ka tiran sida Bay iyo Bakool.

Kulankii uu la yeeshay madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu ka sheegay in dowladdiisa ay ka qeyb qaadaneyso samatabixinta dadka abaaraha ku dhufteen.

Xoghayaha arrimaha dibada Britain oo wax ka xamaalaya kaalmadii uu Muqdisho ka dejiyay

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.