Mareykanka oo sheegtay masuuliyadda duqeyntii masjidka Suuriya ee galaaftay nolosha 42 ruux

by Bahda Xiiso Online | Friday, Mar 17, 2017 | 249 views

Afartan iyo labo ruux ayaa dhintay kuwo kale oo badanna dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii duqayn dhanka cirka ah lagu qaaday masaajid ku yaalla tuulo ay mucaaradku maamulaan oo ku taalla waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay tuulada al-Jineh oo ka tirsan gobolka Xalab.

Kooxdan la socota xaaladda oo fadhigoodu yahay UK oo wararka ka hela dad ku sugan gudaha Suuriya ayaa sheegay in masaajidka la weeraray ay ka buuxeen dad tukanayay salaadda cishaha.

Kooxdani waxay sheegtay in dadka la dilay badan koodu ay ahaayeen shacab.

Tuuladan ayaa ka mid ah deegaannada ugu waawayn ee ay mucaaradku Suuriya haystaan.

Ma cadda cidda sida rasmiga ah uga dambaysay weerarkan, laakiin diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Suuriya ayaa gobolkaas duulimaadyo ka sameeya.

Mareykanka oo sheegtay masuuliyadda duqeyntii masjidka Suuriya ee galaaftay nolosha 42 ruux

Maraykanka ayaa sidoo kale duqaymo xagga cirka ah u gaysta dadka jihaad doonka ah ee deegaanadaas ku nool, waxaana uu iminka qirtay in uu isaga ka dambeeyo weerarkaasi masjidka.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii 31 ruux lagu dilay weerar qarax ah oo lagu bartilmaameedsaday dhismaha maxkamad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Bamka Dimishiq lagu weeraray ayaa ku soo aaday lix sano guuradii ka soo wareegtay kacdoonkii lagaga soo horjeeday madaxweyne Bashar al-Asad.

Intaas wixii ka dambeeyayna waxaa dagaalada ku dhintay 320,000 oo qof, waxaana ku baro kacay 11 milyan, sida ay sheegeen dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.