Kooxo hubeysan oo toogtay afhayeenkii booliska dalka Uganda Andrew Felix (Sawirro)

by Bahda Xiiso Online | Friday, Mar 17, 2017 | 280 views

Wararka ka imaanaya magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen gudaha magaalada Kampala afhayeenkii ciidamada booliska Ugandha oo lagu magacaabi jiray Andrew Felix Kaweesi, waxaana la geeriyootay labo ka tirsanaa ilaaladiisa.

Jariirada kasoo baxda Kampala ee New Vision ayaa baahisay in Andrew Felix lagu hor dalai meel aan ka fogeyn hoygiisa, iyadoo ay baxsadeen kooxihii dilka afhayeenka booliska geystay.
Dhaawac hails ah oo qeybaha sare ee jirkiisa kasoo gaaray ayuu u geeriyooday Andrew Felix Kaweesi.

Ciidamada booliska ayaa wada baaritaan lagu ogaanayo cida ka danbeyso dilka afhayeenka booliska, waxaana si weyn ugu hadlaya warbaahinta dalka Uganda.Kooxo hubeysan oo toogtay afhayeenkii booliska dalka Uganda Andrew Felix 

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.