MD Farmaajo oo ka warbixiyay kulankii uu Muqdisho kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda Ingiriiska

by Bahda Xiiso Online | Thursday, Mar 16, 2017 | 169 views

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Faraamjo ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska Boris Johnson, oo booqasho hal maalin ah ku yimid Muqdisho.

Kullankaasi oo ahaa mid si qoto dheer labada dhinac ugu hadleen xiriirka labada dal  iyo sidii loo sii xoojin lahaa oo ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Amniga,  dagaalka ka dhanka argagixisada,  horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska guud ee dalka.

Kulanka kaddib Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Boris Johnson uu ahaa mid taariikhi ah, isla markaana ay isku soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira iyo in si wadajir ah loo xoojiyo la dagaallanka Al-Shabaab, sidoo kalena dowladda UK ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha hey’adaha dowliga ah.

Dhinaca kale Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian Boris Jonhson, ayaa sheegay in wada hadalka madaxweynaha uu la yeeshay uu ugu horreeyey Xiriirka qotada dheer ee labada dal, waxa uu sheegay in dowladda Ingariiska ay 10 Milyan oo Boun ugu talogashay abaaraha Soomaaliya ka jira, isla markaana dowladda ka caawin doonaan la dagaallanka musuq-maasuqa iyo arrimaha amniga.

Waxa uu sheegay in dowladda ay  ka gacan siinayaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska  dalka, si amniga loogu guuleystana ay  si wadajir ah ula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxa uu intaa raaciyey in ay si heer sare ah  u socoto qaban qaabada shirweynaha London ka dhacaya ee arrimaha Soomaaliya looga hadli doono bulshada caalamkuna ay ku yaboohi doonaan taageero buuxda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka warbixiyay kulankii uu Muqdisho kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda Ingiriiska

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.