Dowladda Sudan oo xukun adag ku ridday Fanaanka Nimcaan Hillaac

by Bahda Xiiso Online | Thursday, Mar 16, 2017 | 688 views

Maxkamada ku taal Dalka Suudaan ayaa goor dhow waxaa ay xukuntay Fanaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed horeyna uga tirsanaa Kooxda Xidigaha Geeska Nimcaan C/ramaan Xasan Hilaac.

Maxkamada ayaa waxaa ay ku xukuntay Fanaanka In uu bixiyo lacag dhan $1,500 oo Doollar oo lagu ganaaxay iyo in uu mudo 24 saac gudahood dalka suudaan uga baxo.

Fanaanka ayaa lagu wargeliyay hadii uusan Xukunkaas fulin la xiri doono oo lagu xukumi doono markale xabsi 6 billood ah.

Nimcaan Hilaac ayaa ciidamada Booliska Wadanka Suudaan ay xireen kadib markii la sheegay in uu Magaalada Khartuum ku qabanayay Bandhig faneed Dowlada aysan ogeyn.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.