Doorashadii Holland oo lagu kala baxay iyo xisbigii cunsuriga oo lama filaan qabsadey

by Bahda Xiiso Online | Thursday, Mar 16, 2017 | 507 views

Waxaa goor dhaweyd lasoo gabo-gabeeyay doorashadii ka socotay dalkaasi Holland taas oo looga cabsi qabay in talada dalkaasi uu la wareego xisbiga cunsuriga ee uu hoggaamiyo ninka lagu magacaabo Geert Wilders ee loo yaqaan PVV.

Xisbigan ayaa maalmihii u dambeeyayay aad loo hadal hayay isagoona taageerayaashiisu aad u sare kaceen kaddib doorashadii Mareykanka ee uu xukunka kula wareegay Donald Trump iyo ajaanibta iyo qoxootiga ay aad ugu soo bateen dalka Holland shacabkuna qaati ka istaageen.

Laakiin shacabka ayaa rabitaankooda dhabta ah waxa ay ku muujiyeen doorashada waxaana ay doorteen xisbiga talada dalkaasi hada haya ee VVD kaas oo uu hoggaamiyo ra`iisal wasaare Mark Rutte.

Donald Trump-ka dalka Holland oo jidka kusoo jira iyo taageero aan horay loo arag oo uu helay

21,5 boqolkiiba codadka ayaa waxaa helay xisbiga r/wasaarer Rutto ee VVD, halka boqolkiiba 13,1 codadka uu helay xisbiga cunsuriga ee PVV.

Labo xisbi kale oo tartanka doorashada ku jirtay ayaa iyana kala helay midkiiba boqolkiiba 12-6 iyo boqolkiiba 12-1 codad.

Kuraasta ayay u kala qeybsan doonana sida tan.

Xisbiga guuleystay ee r/wasaare Rutto, waxa uu helayaa 33 kursi, halka 20kursi uu sina helayo xisbiga hoggaamiyaha cunsuriga ee Wilders.

Min 19 ayay kala helayaan labada xisbi ee kale.

Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga cunsuriga ah ee laga guuleystay Mr. Wilders ayaa qirtay guul-darrada, waxaana uu u hambalyeeyay r/wasaare Rutto oo uu xisbigiisu guuleystay.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.