Madaxweyne Farmaajo oo xarunta madaxtooyada ku qaabilay wasiirka arrimaha dibedda Britain

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Mar 15, 2017 | 145 views

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay maanta Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Britain Boris Johnson kaas oo saakay booqasho aan horay loo sii shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxa ay ka wada hadeen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha gargaarka sama-falka ee UK siiso Soomaaliya, abaaraha iyo shirka London ee bisha May dhici doona.

Farmaajo oo xarunta madaxtooyada ku qaabilay wasiirka arrimaha dibedda Britain

Wasiir Boris Johnson ayaa soo dhoweeyay doorashadii bil ka hor ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso dhinaca dimoqraadiyada.

Booqashada masuulkan sare ee dowladda Ingriiska ka socda ayaa ah mid hal maalin ah, waxaana la filayaa in uu shir jaraa’id kaga hadlo safarkiisa.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.