Halkuu ku dambeeyey wiilkii ku caan baxay Farmaajo ii geeya (Sawir iyo warbixin)

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Mar 15, 2017 | 906 views

Cabdulaahi Cismaan Daanyeerow oo ku caan baxay ereyga “Ar Farmaajo ii Geeya” ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Daanyeerow wuxuu kasoo jeedaa qoys Danyar ah oo degen xaafad ku taala magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna ahaa ruux xoogiisa ku xamaasha oo reerkiisa biilka u dhiciya.

Wuxuu mar qudha noqday ruux caan ah habeenkii la doortay madaxweyne Farmaajo, isagoo si kaftan ahaa habeenkaasi ku dhahayay “Ar Farmaajo ii geeya, Ma ii geysiinoo” iyo erayo kale.

Halkuu ku dambeeyey wiilkii ku caan baxay Farmaajo ii geeya

Wararka la xiriira xaaladiisa ayaa sheegaya in dhawaan la filayo inuu ka shaqo bilaabo madaxtooyada Soomaaliya, balse waxaa ka harsan inuu maro hanaanka shaqaaleysiinta.

Farmaajo ii Geeya ayaa sheegay in dhawaan uu filayo inuu shaqadaasi helo, haddana loo sameynayo ID uu kaga shaqeyn lahaa madaxtooyada Soomaaliya,  Wuxuu sidoo kale sheegay in rajadiisa ay tahay in xil sare loo magacaabo, laakiin ma lahan aqoon uu ku shaqeysan karo, sida uu sheegay.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.