Xildhibaanad Mareykan ah oo soo jeedisay sharci yaab leh oo la dul dhigayo ragga “biyaha” isaga keena gacanta

by Bahda Xiiso Online | Tuesday, Mar 14, 2017 | 626 views

Xildhibaanad ka tirsan xisbiga Dimuquraaddiga Mareykanka oo lagu magacaabo Jessica Farrar, kana soo jeedda gobolka Texas ayaa soo jeedisay sharci yaab leh oo lagu ganaaxayo ragga biyaha shahwada isaga keena gacanta.

Ragga ayaa la ganaaxayaa 100-dollar mar kasta oo ay biyaha gacanta isaga keenaan, taas oo ay sabab uga dhigtay xildhibaanadda mid jawaab u ah sharciga adag ee dul yaal dumarka doonaya in ay iska soo xaaqaan ilmaha kaas oo ka jira gobolkaasi Texas.

Xildhibaanadda soo jeedisay sharcigan ayaa taleefishinka CNN u sheegtay in ragga biyaha gacanta isaga keena ay la mid tahay dumarka dila carruurta uurka ku jirta ee iska soo xaaqa, ragguna ay ilmaha dilaan markii ay “siigeystaan” .

Sharcigan ayaa u qoran sida tan ” – Biya-baxa ragga waxa ay dhici kartaa oo keliya marka qof dumar ah lala galmoonayo, haddii eysan jiran arrimo caafimaad”.

Xildhibaanad Mareykan ah oo soo jeedisay sharci yaab leh oo la dul dhigayo ragga biyaha isaga keena gacanta

Nimanka ayay sheegtay in ay marayaan 24-tii saacba mar baaris lagu ogaanayo in uu biyaha gacanta isaga keenay iyo in uu galmooday.

Ganaax lacageed oo dhan 100 dollar ayay soo jeedisay in uu maro mar kasta oo uu “siigeysto”.

Ma cadda qaabka uu u hirgeli karo sharcigan ay soo jeedisay xildhibaanadda maadaama dalka Mareykanka ay ku nool yimiid umado kala duwan oo qaarkood aanba daneyn dumar iyo kuwo kale oo guurka iyo la noolaansho dumarka kasoo horjeeda amaba awoodin.

Sharcigan ayaa ah kii ugu yaabka badnaa ee laga soo jeediyo dal-weynaha Mareykanka.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.