Burcad-badeed Soomaali ah oo qafaashay markab iyo Degmada ay u kaxeysteen

by Bahda Xiiso Online | Tuesday, Mar 14, 2017 | 133 views

Qaar kamid ah saraakiisha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay in koox burcad-badeed soomaali ay badweynta hindiya ka soo afduubteen markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah.

Madaxda maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ay weli wadaaan qiimaynta xaladda dhalisay afduubka markabkan iyo wararka la xariira.

Saraakiishan ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka markabkan.
Waxaa xusid mudan in Howl-galada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Soomaaliya ayaa ahaayeen kuwa sii yaraanayay sanadihii la soo dhaafay.
Hadaba, Xaraare Axmed Maxamuud oo ka mid ah dadka kunool degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaro kalluumeysato ah markab ay soo afduubteen in ay keeneen Degmada Caluula.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhalinyaro ka badan 40 in ay Markabka dulsaaran yihiin, islamarkaana ay doonayaan in ay kula gorgortamaan Maamulka Puntland.
Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in ay saaka ku baxeen degmada Caluula, si ay u ogaadaan xaalada ka taagan degmedaasi.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.