Daawo Universal Tv oo baahiyey warbixin dhegaha looga tumay GAAS iyo Diyaarada uu saaran yahay

by Bahda Xiiso Online | Saturday, Mar 11, 2017 | 664 views

Telefishinka Universal ayaa Warbixin ka Diyaariyey Safarada C.wali Gaas oo noqday Madaxwaynihii ugu Safarka Badnaa ee Puntland, Iyadoo si gaar ah loogu Xusay Safarkii uu shalay uga baxay Boosaaso, Xili Abaaro Ba’an iyo Kacdoono ay ka Jiraan deegaaanada Puntland.

Sidoo kale Safarka C.wali gaas ayaa kusoo beegamaya xilli Odayaal iyo Waxgarad ay ku guulaysteen inay Qanciyaan Ciidamadii Qabsaday Wadooyinka magaalada Garoowe.

Dhinaca kale Baarlamaanka Puntland ayaa ku sheegay Safarka C.wali gaas mid aad u Tiro badan, Islamarkaana uu dhaqaalo badan ku baxo, Iyadoo aysan Jirin wax Midho dhal ah oo uu kala soo noqdo.

DAAWO WARBIXINTA  GAAS IYO SAFARADIISA BADAN
Universal Tv oo baahiyey warbixin dhegaha looga tumay GAAS iyo Diyaarada uu saaran yahay

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.