Madaxweyne Farmaajo muxuu sameeyay kadib jabsashadii xafiiska hanti-dhowrka, yuuse ka cabsi qabaa in sirtaas loo gacan geliyo?

by Bahda Xiiso Online | Friday, Mar 10, 2017 | 898 views

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay kulan xasaasi ah Madaxtooyada ugu yeeray Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Farmaajo iyo Jimcaale ayaa qaatay kulan socday Saacado badan waxeyna ka wada hadleen dhacdo xalay qabsatay Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Xafiiska Hanti-dhowrka uu ku dhex leeyahay Madaxtooyada ayaa habeen hore loo dhacay, Waxaana lagala baxay agab farabadan oo yaalay xafiiska sida ay sheegeen Saraakiil ka ag dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Nuur Faarax ayaa laga qaatay inkabadan 25 File oo ay ka buuxeen dukumintiyo kala duwan iyo sidoo kale Computerkii uu adeegsan jiray Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka.

Madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa gudoomiyaha weydiiyay inta ay la egtahay macluumaadka sirta ah ee dikumiiintiyada la dhacay.

Gudoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowraha qaranka ayaa usheegay Madaxweyne Farmaajo in sirta maqan ee dowlada leedahay ay tahay mid aad uweyn.

Wali si dhab ah looma oga waxa ay salka ku heyso arintan, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in mudooyinkanba uu Hanti-dhowrka qabay walwalka ah in loo dhoco Xafiiskiisa oo laga qaato agabka yaala.

Waxa ugu badan ee hadda la qaatay ayaa Filel ay ka buuxeen cadeymaha baaris uu waday mudo sanado ah Xafiiska Dr Nuur Faarax Jimcaale isagoona qorsheynayay inuu soo bandhgo goordhaw kahor inta aan xilalka wareejin Wasiirada Cusub.

Saacadihii ugu dambeeyya waxaa baaris xoogan ka waday Xafiiska loo dhacay askar isugu jirta Soomalai iyo ajaanib waxeyna ajaanibta wadatay Eeyo Waaweyn oo loo carbiyeeyay arimahan.

Hanti-dhowrka guud ee Qaranka  ayaa sheegay inuusan hadli Karin maadama uu la joogo Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo dibna arintan kaga hadli doono.

Arintan ayaa waxa ay imaneysa iyadoo dhawaan la xanibay Akoonada Wasiirada iyo Dowladda Hoose ay ku lahaayeen Bankiga dhexe si looga fogaado Musuq Maasuq waloow arintan ay keeni karto kala shaki xoogan

Dhinaca kale xukuumadda Farmaajo ayaa si weyn uga wal walsan in faylashii laga jabsaday xafiiska hanti-dhowraha guud ee qaranka ay ugacan gashay dowlado cadow ku ah Soomaaliya.

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay oo aynu helnay  ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo gudoomiyaha hanti-dhowraha qaranka ay yeesheen kulan xasaasi ah oo arintaas looga hadlay.

Cabsida ugu weyn ee haysata madaxweyne Farmaajo ayaa ah in sirta dowlada ee la dhacay loo gacan geliyay cadowga dowlada Soomaaliya.

Sida aynu helnay madaxtooyada ayaa ka walwalsan in jaajuusiin Itoobiyaan ah ay ka dambeeyeen dhacan loo geystay xafiiska hanti-dhowraha guud.

“Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaa ay ka wal walsan yihiin in sirta dowlada ay ugacan gashay kuwa dano shisheeye u adeegaya, wal walkana si weyn ayaa looga dareemayaa xafiisyada dowlada”sidaas waxaa yiri sargaal katirsan madaxtooyada oo magaciisa qariyay

Madaxweynaha ayaa ku amray hay’ada dambi baarista in la baaro kaamirooyinka qarsoon si deg deg ahna loo soo ogaado cidii ka dambeysay dhacaas.

Jawiga Villa Soomaaliya ayaa aad ukacsan, waxaana jira in jahwareerka ugu weyn uu yahay sidii looga hortagi lahaa in sirta dowlada ay gacanta ugasho cadowga.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.