Kenya oo war lama filaan ka soo saartay xil wareejintii shalay ee Xasan Sheikh & Farmaajo..

by Bahda Xiiso Online | Friday, Feb 17, 2017 | 428 views

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay xil wareejintii Madaxweynaha ee shalay ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Farmaajo.

Waxa uu sheegay wax lagu farxo in ay aheyd in guul iyo si nabad ah ay ku soo dhamaato Doorashadii Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay xil wareejintii shalay cadeyn in ay u tahay Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika in ay ku soo laabatay wadadii saxda aheyd.

Uhuru Kenyatta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo si Dimuquraadi ah ugu guuleystay Doorashadii 8-dii Bishan ka dhacday Magaalada Muqdisho, shalayna uu si toos ah ula wareegay xilka Madaxweynaha.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.