Madaxweyne Farmaajo oo xilal u dhiibay safiirro hore

by Bahda Xiiso Online | Thursday, Feb 16, 2017 | 396 views

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxa Habmaamuuska Madaxweynaha.

Dr. Cali Saciid Faqi, Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Wadamada Benelux, ayaa loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya (Chief of Staff).

SAWIRKA Cali Fiqi

Sidoo kale Siyaad Maxamuud Shire ayaa loo magacaabay Agaasimaha Hab maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha.

Siyaad oo in muddo ah u soo shaqeeyay dowladdu wuxuu saaka ka hor ahaa Qunsulka Guud ee Jiddah, ka horna Qunsulka Nairobi, 2012 wuxuu muddo kooban ahaa Xildhibaan, ka horna wuxuu la shaqeeyay Ra’iisal Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Waa xilalkii ugu horeeyay oo uu Magacaabo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta la wareegay xafiiska Madaxtooyada.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.