Madaxweyne Farmaajo oo markii uu xilka la wareegay ballanqaad cajiiba sameeyay

by Bahda Xiiso Online | Thursday, Feb 16, 2017 | 539 views

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta si rasmi ah u wareejiyay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxaana uu goobta xil wareejinta ka jeediyay Qudbada Dhinacyo badan taabaneysa.

Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyay Wadamada Ciidamada u soo diray Soomaaliya isagoona sheegay intii uu xilka hayay ay si wanaagsan ola shaqeeyeen Dowladiisa wadamada Jaarlka la’ah Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii uu xilka si rasmi ah ula wareegay waxa uu ku dhawaaqay balan qaad aan la fileyn isagoo in Dowlada  ay tahay Mid ku timid Rabitaanka Shacabka islamarkaana uu soo dhisi doono Xukuumada ay ku kalsoonyihiin oo gaar siisa in ay la tar tamaan Caalamka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay is cafiyaan oo ay eegaan halka maanta dalkooda uu marayo,lana tartamaan Shacabka Caalamka oo Gacan ku siisaan Dowlada Xasiloonida iyo sugida amniga.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.