Ciidamo aad u Hubeysan oo ka baxay Gaalkacyo iyo Xiisada oo sii Kululaatay..

by Bahda Xiiso Online | Thursday, Feb 16, 2017 | 468 views

Ciidamo aad u Hubeysan oo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug ayaa Saakay ka baxay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaana ay u dhaqaaqeen dhanka Koofureed ee Gobolka Mudug.

Ciidamadaan oo wata illaa 7 Gaari oo kuwa Dagaalka ah ayaa Saakay Aroortii ka baxay gaalkacyo,waxaana aan la ogeyn halka ay aadeen,balse warar aan ka helnay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta waxaa ay sheegeen in Ciidankaan uu Howlgalka ka socda Galmudug ku biiri doonaan.

Howlgalkii la doonayay in lagu Furto Magaalada Xarardheere oo Fariisin u ah Al-shabaab ayaa la sheegay in la isku Khilaafay sida aan horay u baahinay.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.