Xasan Shiikh oo isagoo boorsooyinkiisa ka qaadanaya Villa Somalia hal arrin codsaday

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Feb 15, 2017 | 723 views

Madaxweynihii Waqtigiisu dhamaaday laakiin aan weli xilka wareejin ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida aan xog hoose ku helnay waxaa la sheegay in uu ka guurey aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa markii isaga iyo qoyskiisa ka guurayeen Villa Somalia ka dalbaday wakiilada beesha caalamka iyo madaxweynaha cusub in la siiyo askar ilaalisa inta uu kusugan yahay Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya in laga Aqbalay Codsigaas iyo in kale laakiin xog hoose ayaa sheegeysa in loo qorsheeyay 100 Askri amaanka Madaxweynihii Hore.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa sheegaya in aysan Ciidamada ku kalsooneen Xasan Sheekh oo uusan xuquuqdooda siineynin inta ay ilaalinayaan.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.