Shabaab oo dhabaha u galay ciidamo huwan oo ay wehliyaan diyaarado dagaal..

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Feb 15, 2017 | 142 views

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Mudug, sida uu soo sheegayao wariyaha Risaala ee Gobolkaasi.

Dagaalkan oo si gaar ah uga dhacay Degaanka Ceel-cabdi ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar dhaba gal ah u dhigeen Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug oo garab ka helayay Ciidamo cadaan ah oo watay Diyaaradaha Dagaalka.

Dagaalka oo socday mudo saacado ah ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala duwan, maadaama dadka Degaankaa ay Risaala u sheegeen in ay maqlayeen jugta Madaafiicda iyo Hugunka Rasaas xoogan.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Mudug oo Risaala ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo Dagaalka.

Shabaabka dhankooda war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen in Dgaalkan ay ku dileen 10 Askari oo Ciidanka Dowladda Federaalka.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay Dagaalka in ay ku dhinteen 10 Qof oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Hawada Degaanka Camaara iyo Degaanada ku dhow dhow ayaa caawa waxaa ku dul heehaabaya Diyaarado Dagaal oo joog hoose ku socda.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.