DEG DEG: Dagaal Hadda ka socda deegaanka Camaara & Ciidamada DF oo galay goob shabaab ku badan yihiin..

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Feb 15, 2017 | 228 views

Dagaal xoogan ayaa hadda ka socda deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug,kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa la isku adeegsadayaa hubka nuucyadiisa kala duwan,wuxuuna ka danbeeyay markii Ciidamada Huwanta ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ururka Al-shabaab.

Inta la ogyahay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 10-ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay.

Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug oo taageero ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa doonaya in ay Al-Shabaab ay kala wareegaan degmada Xarardheere.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.