Al-Shabaab oo si aan looga baran uga hadley doorashada Farmaajo iyo dabbaal-degyo….

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Feb 15, 2017 | 777 views

Kooxda AlShabaab ayaa si lama filaan ah uga hadlay Doorashadii Madaxweyne Farmaajo, iyo Sababta ay shacabku ugu dabaal degeen.

Idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Al Shabaab ayaa baahisay Waraysiyo Kala duwan oo ay uga hadlayaan Doorashadii Madaxweyne Farmaajo iyo waxay ka aamin san yihiin.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay si weyn ula socdaan dabaal degyada loo sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyagoona sababta loogu dabaal degay ku sheegay in dadku ay neceen Xasan Sheekh Maxamuud ee dhowaan xilka wareejinaya.

Dhinaca kale Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ah Horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa la filayaa inuu isku soo dhiibo Dowlada Soomaaliya, kadib baaq uu ka helay Dowlada iyo Maamulka Koofur Galbeed.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gudaha Dalka iyo Daafaha Caalamka ayaa si weyn ugu farxay una soo dhoweeyey in Maxamed Cabdullahi Farmaajo loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya Afarta sano ee soo socota iyagoona dhigay Dabaal degyo waa weyn oo lagu soo dhoweeyey.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.