22-ka bishan oo la joojiyay duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Adan Cadde+Qorshe cusub..

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Feb 15, 2017 | 254 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Adan C/dulle Osmaan Adan Cadde ee magaalada Muqdisho la hakin doono 22-ka bishan oo lagu wado in la caleemo saaro madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasaarada Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duulimaadyadii imaan jiray Muqdisho la joojiyay 22-ka Bishaan oo ku beegan arbacada soo socota Sababo la xariira Caleema Saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Caleema saarka madaxweyne Farmaajo oo dhawaan ku guuleystay doorasho ka dhacday Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu xilka si rasmi ah kala wareego madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.