XOG: Laba shaqsi oo caan ah oo loo badinayo in midkood R/Wasaare noqdo

by Bahda Xiiso Online | Tuesday, Feb 14, 2017 | 811 views

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa latashiyo ku jira si uu usoo magacaabo ra’isul wasaraha dowladiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu madaxweyne Farmaajo la kulmay siyaasiyiin badan oo doonaya xilkan.

  Labo shaqsi ayaase loo badinayaa in si lama filaan ah uu midkood unoqon karo ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Shaqsiga koobaad ayaa ah Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, Waa musharax utaagnaa xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu kasoo jeedaa beesha Habar-gidir/Ceyr.

Aqoonyahankan ayaa si lama filaan ah xilkaas loogu magacaabi karaa, inkastoo ay weli socdaan latashiyadii lagu soo magacaabi lahaa ra’isul wasaaraha dalka.

Jibriil Cabdulle, Waxaa uu ahaa musharax kale oo haatana katirsan siyaasiyiinta aqoonyahanada ah ee loo maleynayo in xilkaas loo magacaabi karo.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa marka uu la wareego xafiiska madaxtooyada, shaqada ugu horeysa ee laga doonayo ay tahay inuu magacaabo ra’isul wasaare cusub.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.